Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa dib u habeyn ku sameeyey Garsoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad ee Maxkamadaha Gobolka Banaadir, isagoo dalacsiin iyo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Garsoorayaasha. Guddoomiayaha Maxkamadda Sare markuu arkay baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo Garsoorka Gobolka Banaadir, isla markana uu la tashaday masuuliyiinta ay quseyso arintaan, waxaa u soo saaray wareegtadan. Waxaa Saxaafada u Aqriyay Digreetada Guddoomiyaha Maxkamadda Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa waxaa fariin u diray Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Bulshada ku nool Gobolka Banaadir in ay si wanagsan ula shaqeeyaan Maxkamadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here