Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mozambique ayaa beeniyay in habayaraatee aan soomaalida wax dhibaato ah loogu geeystay gudaha dalkaasi.

Arintaan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya in la dhibaateeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee Ku nool dalka Mozambique, taasi oo si weyn looggu faaftay baraha bulshada.

Warar lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa lagu sheegay in dhiibaatooyin Loo geystay qaar ka mid ah Jaaliyadda Dalkaasi Mozambique, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xarig Iyo Jirdil loo geystay qaar ka mid ah soomaalida ku ganacsatada Dalkaasi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mozambique, ayaa beeniyay arrintaasi, ayagoo sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been Abuur ah oo ay adeegsadeen qaar ka Mid ah Warbaahinta.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mozambique Xasan Cabdi Cabdulle, ayaa shegaay ineysan jirin wax Dhibaatooyin ah oo loo geystay ganacsatada soomaalida ah ee ka ganacsada gudaha dalkaasi Mozambique.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha:

COD GUDDOOMIYE XASAN CABDI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here