Maxkamadda darajada 1-aad ee G/Nugaal ayaa maanta xukun adag ku riday rag loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo 12 jir aheyd.

Illaa toban eedeysane oo lala xariirinayo falkaasi ayaa la soo hor istaajiyay fadhiga maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in saddex ka mid ah raggaasi lagu helay Kiiska Caa’isho, halka 7 kale la sii daayay, kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Saddexda qof oo lagu xukumay dil toogasho ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxman Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Xukunkan ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in uu ka furan yahay Racfaan, haddii aysan eedeysanayaasha ku qanacsaneen go’aanka maxkamadda.

25-kii February ee sanadkan ayey aheyd markii Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan Kufsi iyo Dil arxan darro aha loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here