Xubno kor-joogto ah oo ka socday beesha caalamka ayaa si dhaw ula socday Shirka Garowe, waxa ayna xubnahaasi danneeyaasha arrimaha Soomaaliya siiyeen warbixin shirka ku saabsan oo ay ka muuqatay rajo xumo natiijada Shirka ah iyaga oo warbixintooda ku sheegay in labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Galmudug ay si cad uga biya-diideen in Shirku sii socdo, ayna caqabad ku noqdeen.

Waddamada iyo hey’addaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa iyaga oo ku salaynaha warbixinta ay ka heleen xubnaha la socday shirka, waxaa  la filayaa in ay  go’aan kasoo saaraan Shirka Garoowe.

Wararka ay heshay shabakadda Allabanaadir ayaa sheegaya in labadii maalin ee u dambeysay dhawr jeer ay Safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya la xiriireen Xaaf iyo Axmed Madoobe si ay ugu qanciyaan in Shirku sii socdo oo natiijo laga gaaro.

Beesha caalamka ayaa qabta in haddii khilaafku sii fogaado uu saameyn weyn ku yeelan karo dowlad dhiska Soomaaliya iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here