Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay degaan duleedka ka ah Magalada Baladweyne ay ka kaxeysteen tiro dad ah iyo Gaadiid.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa goobjoogayaal waxa ay Risaala u sheegeen inay tageen deegaanka Xudey-Woogle oo 34km Waqooyi ka xiga Baladweyne,isla markaana ay kaxeysteen Lix Ruux iyo Shan Gaari,iyaga oo la aaday dhinaca Itoobiya.

Ciidamada liyuu Boolis ee soo galay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay wateen Gaadiidka dagaalka,hayeeshee waxaa la sheegay inaysan jirin dagaal ka dhacay deegaankaas oo ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle.

Weli ma cada halka sida rasmiga ah ay dadkaasi iyo gaadiidka ula aadeen iyo sababta ka dambeysa,waxaana ay cabsi ballaaran ay soo wajahday dadka ku nool deegaanka Xudey-Woogle iyo deegaanada kale ee Waqooyiga ka xiga Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolkaasi hiiraan weli kama hadlin afduubka ciidamada liyuu boolis ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here