Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan Geerida Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa lagu arkay Xerada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab, isaga oo Meyd ah, islamarkaana  xarig uu qoorta uga xiran yahay.

Zakiyo Xuseen, ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Faceebook waxa ay ku sheegtay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in baaritaanadan ay wadaan qeybta dambi baarista ee (C.I.D), islamarkaana waxa ka soo baxa ay la wadaagi doonaan  shacabka Somaliyed.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Ehellada Sarkaalka Geeriyooday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegtay in Marxuumka uusan is dilin, islamarkaana la dilay, sida ay hadalka u dhigeen.

Allaha u naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed, ayaa ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Booliska, wuxaana yy soo noqday Taliyihii Saldhiga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here