Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa uga digay Askarta maamulkaasi in ay dhibaateeyaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in maamulkiisu uusan u dulqdaan doonin in la dilo ama waxyeelo kale loo geysto rayidka.

Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii ugu dambeeyay ee loo geystay nin Darawaal ahaa, kaas oo uu xusay in loo dilay oo kaliya 5 kun Shilinka Soomaaliga ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xillii muddooyinkii dambe deegaanada Koonfur Galbeed ay ku sii kordhayeen dilal iyo dhibaatooyin kale oo ay askartu u geysanayeen dadka dhacabka ah ee ku dhaqan magaalooyinka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here