Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Guddi baaris u xil saaray dagaalkii shalay ka dhacay Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dhashay xil ka qaadistii Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Guddiga Madaxweynaha uu magacaabay, ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Taliyaha Ciidamadda Asluubta Somaliyeed, sidoo kalena waxaa qayb ka ah Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda qalabka sida ee Somaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan wixii shalay ka dhacay Degmadda Beladweyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here