8 xubnood oo ka socday Kooxaha Gurmadka waxay maanta xaqiijiyeen inaysan cidna ka badbaadiyeen Diyaaradaasi oo la la’aa tan iyo Toddobaadkii hore.

Burburka Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa AN 32 ayaa la sheegay in Talaadadii la soo dhaafay laga helay meel 16-KM dhanka Waqooyi kaga toosan Degmadda Tato ee dhulka fog ee Gobalka Arunchal Pradesh.

Diyaaradaasi oo ay la socdeen 13 qof waxaa la la’aa ilaa bishan June 3-dii, waxaana Raadaarka laga waayey markii ay ka duushay Garoon Milliteri oo ku yaalla Degmadda Jorhat ee Gobalka Assam ee bartamaha dalkaasi.

Qoraal  ay Ciiddanka Cirka ee dalkaasi soo dhigeen Bartooda Twitterka ayaa lagu soo bandhigay magacyadda 13-qofka ee ku geeriyootay shilkaasi, iyadoo qoysaskooda lagu wargeliyey geeridooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here