Wasaaradda Warfaafinta Somalia ayaa amarrro culus dul-dhigtay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaasoo si aan rasmi ahayn uga hawl-geli jiray warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ka jirta.

Xubnaha amarrada la dul-dhigay waxaa ka mid majaajiliistayaasha ka tirsan wasaaradda sida; Maki Xaaji Banaadir iyo Oday Cabdulle, waxaa kaloo sidan oo kale amarro loo dul-dhigay fannaaniinta ka tirsan waaaradda ee qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay ka baahiya barnaamijyada u badan wacyi-gelinta.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo dhawaan xilka loo magacaabay ayaa ku gooddiyay markii uu xilka la wareegayay inuu la imaan doono isbedel ballaaran, isgaoo xil cusub u magacaabay fananan ka soo goostay Somaliland oo lagu magacaabo Nimcaan Hillaac.

Sidoo kale, Wariyeyaasha Idaacadda ka hawl-gala ayaa lagu wargeliyay inay ka digtoonaadaan inay ka shaqeeyaan goobo kale oo aan wasaaradda ahayn waxaana wariyihii lagu helo arrintan la sheegay in shaqada laga cayrinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here