Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug oo xilkaas loo Magacaabay kadib heshiiskii Jabuuti ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wadashaqeynta u bilaawday dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug.

Isaga oo ka hadlayay dhinaca Amniga ayuu sheegay in Maamulkooda Galmudug ay deegaano badan ka saareen Ururka Al-Shabaab welina ay diyaar u yihiin inay dowladda Federaalka kala Shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaan.

Aniga oo ku hadlaya Magaca Galmudug waxaana cadeynayaa in ay bilaabatay wadashaqeynta Dowladda Federaalka,hadda wixii ka dambeeyana halkaan waxaa ka Shaqeyn doona amarka dowladda Federaalka,waxaana jira waxyaabo aan ku heshiinay oo isugu jira kuwo kor loo sheegaayo iyo kuwo hoos loo dhigaayo ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Hadalkaan ayaa Sheekh Maxamed Shaakir waxa uu ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo haatan ka socota Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here