Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa haatan ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweeynayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo halkaasi ku wajahan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Safar dhanka dhulka uga soo ambabaxayo Magaalada Dhuusamareeb,isagoona ku tegayo Magaalada Cadaado,waxaana ku wehlinaya xubno ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Maanta ayaa waxaa Magaalada Cadaado gaaray wafdi horudhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha,kuwaasi oo isugu jiray xubno Mas’uuliyiin ah iyo Ilaaladiisa gaarka ah.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa aad looga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweeynta Xasan Cali Khere,waxaana meelaha qaar lagu xardhay Sawirada Ra’iisul Wasaaraha oo halkaasi tegayo gelinkii dambe ee Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here