Jugta Qarax Xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan,isla markaana waxaa la dhigay kasoo horjeedka Xarunta Dahabshiiil ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,iyadoo halkaasi uu ku qarxay.

Qiiq iyo Uuro ayaa cirka shareertay qaraxa kadib,waxaana lagu soo waramayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan,in kastoo aa si dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here