Dowladda Kenya ayaa xooga saareysa sidii ay dowladda Jabuuti uga faramaroojin lahayd kursi ka mid ah 15ka xubnood ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Kursigan oo u yaalla Waddamada bariga Afrika, ayaa waxaa ku loollamaya Kenya iyo Jabuuti,waxaana sharciyan ay tahay ugu dambeyn labada dal in ay isu deystaan oo isu tanaasulaan.

Dowladda Kenya ayaa ka codsatay dowladda Jabuuti in kursiga uga tanaasusho laakiin dowladda Jabuuti ayaa arrintaasi diidday,waxaana ay labada dal u gudbiyeen damacooda kursiga golaha amaanka ee Qaramada Midoobey Ururka Midowga Afrika.

Codeyn ururka uu qaaday 5tii Bishan ayaa waxaa codadka ugu badan heshay dowladda Kenya laakiin maaha natiijo kama dambeys ah waxaana kursiga cidda ku mataleysa Afrika uu go’aaminayaa midowga Afrika 21ka Bishan.

Dowladda Kenya ayaa dooneysa in kursigan ay ku difaacato dano waaweyn oo ay ka mid tahay rabitaankeeda gardarrada ah ee ay ku dooneyso biyaha Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in haddii kursigaasi ku guuleysato uu waxbadan ka beddeli karo go’aanka Maxkamadda ICJ ka gaareyso doodda ay Kenya gelisay biyaha Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa bishii la soo dhaafay qaabilay 18 Hoggaamiye oo caalami ah waxaana uu doonayaa in Kenya lagu gacansiiyo kursiga Golaha amaanka iyo sidoo kale doodda kala dhaxeysa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here