Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa xalay ku kulmay magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ka wada hadlay geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.

Kulankan ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa, waxaana ay si gaar ah labada dhinac uga hadleen dadaalada socda ee la doonayo in lagu dhiso Maamul loo dhan yahay.

Musharax Odawaa ayaa boggaadiyay juhdigii iyo dadaalkii Ahlusuna gelisay sidii uu u taaba geli lahaa howlaha haatan ka socda Dhuusamareeb oo ay ugu horeyso Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug.

Ilo wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya inay labada dhinac ka wada hadleen sidii Shirka Dib u heshiisiinta ka socda Dhuusamareeb loogu madax banaaneyn lahaa Odayaasha dhaqanka, si tabashooyinka ay qabaan dhexdooda uga heshiyaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, kaasoo la filayo inay ka soo baxdo dhismaha Maamul loo dhan yahay, gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here