Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha khilaafka uu u dhexeeyo ayaa ka mid ah Cabdi Axmed Dhuxuloow Dhagdheer, Senoter Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey iyo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxdan ayaa la sheegay in ay isku qabteen Doorashada Galmudug, magacaabista Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug iyo habka ay dowladda u maamulayso dhismaha Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa ii sheegay in markii uu soo ifbaxay khilaafkaasi wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya loogu yeeray Magaalada Muqdisho, si wax loogu weydiinayo tabashada ay muujinayaan Sanoterada ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in howlihii uu wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya uu ka waday magaalada Dhuusamareeb xiligan uu wado wasiiru dowladaha Wasaarada arimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Jahweer siyaasadeed ayaa weli ka taagan dhismaha Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here