Wasiiro ka tirsan xukuumadda  Soomaaliya, ayaa xalay waxaa ay magaalada Boosaaso kula kulmeen madaxweynaha maamulka  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Xubnaha wasiirada ee la kulmay Madaxweyne Deni ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Arrimaha debadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorshaynta, Jamaal Xasan Maxamed, wasiirka Kalluumeysiga , Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo xubno kale.

Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in in xubnahan madaxweyne Deni u soo bandhigeen in la dhameeyo  khilaafka u dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka  Puntland.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in maamulka Puntland uu diiday dalab kaga yimid wasiirada, kaasi oo ahaa in Puntland aysan ka qeyb-gelin, munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan oo la filayo in ay dhowaan ka dhacdo magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka horyimid dalabkii ay hor-dhigeen wasiirada  ee ku aaddanaa in aysan Puntland ka qeyb-gelin caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaana uu si cad u sheegay in Puntland aysan cidna fasax uga weydiisan doonin ka qeyb-galka caleema-saarkaasi.

Kulankii xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoona lagu kala tagay. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here