Shir aan caadi aheyn ayaa haatan waxaa uu magaalada Dhuusamareeb uga soconayaa hoggaanka Ahlusuna waljamaaca.

Shirkan ayaa waxaa uu si gaar ah kaga socdaa xarunta Inji ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoona shirka looga hadli doono arimo ay ka mid yihiin guddiga farsamada ay magacowday dowladda federaalka Soomaaliya.

Ilo wareed ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlusuna ay go’aan adag maanta ka soo saari doonaan guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug, maadaama hoggaanka ay ku doodayaan inaysan xubin ku laheyn guddigaasi.

Lama oga tilaabada ay qaadi doonaan hoggaanka Ahlusuna waljamaaca.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta XF Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la Magacaabayo.

Guddigaan oo ay Magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa ay dhexdooda iska dooran doonaan guddoon Cusub, iyaga oo guda geli doona dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here