Musharax Odawaa oo xalay ka hadlayay Kulanka Aqoonyahanka Galmudug oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan uu Dastuurka caddeeyay.

Dhanka kale Musharaxa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay waqtigii la soo magacaabi jiray Guddoomiye Gobol.

Sidoo kale Odawaa ayaa soo hadal qaadey Beryahan warlahadal haayey  oo la leeyahay Musharax odawaa  dowladda Federaalka kuma rabto, asagoona uga jawaabceliyey  anigaba maba rabo inay i magacawdo, dowladda Federaalka cod kama rabo, codkiina ayaan rabaa idinka in aad ii codeysaan, aniga Farmaajo inuu Guddoomiye Gobol iga dhigo kama raadsan, mana rabo”ayuu yiri Musharax Odawaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here