Taliska booliiska gobolka Bari ayaa sheegay in ay qabteen kartooman ay ka buuxaan Dhalooyinka Khamriga oo kooban 60 Dhalo  oo ku rarnaa gaari nooca loo yaqaan Candha-meyd laha laguna qarinayay Khamriga xili uu marayay koontorool ay ciidamadu ku sugnaayeen.

 Gashaanle Sare Xussen Cali Maamuud Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay muddooyinkii dambe in ay aad ugala dagaalameen in gudaha magaalada Boosaaso aan la soo gelin maandooriyaasha sidoo kalana ay daafaha magaalada ka sameyn doonaan howlgallo kale oo lagula dagaalamyo.Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in dadka ka ganacsanayay Khamriga iyo gaadiidkaba sharciga la hor geyn doono,isaga oo sheegay in gaadiidka Khamriga soo qaada ay magaalada soo geli karaan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here