Wararka naga soogaaraya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF ee Maamulka Puntland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey degaano ku dhow buuraha Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso.

Dhowr miino oo Al-Shabaab ku aaseen ayaa la soo saaray oo la fashiliyey sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Ciidamada PSF oo intaas ku daray in howlgalka ay weli ka wadaan degaannada ku teedsan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Saraakiishu ma sheegin in howlgalkaas ay ku qabteen dad la tuhunsan yahay marka laga reebo miinooyinka ay soo saareen.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here