Marka aan dib umilicsano taariikhda, waxaa ladilay Hogaamiyihii Al-Qaacida middo laga joogo 8 sano, xiligaas oo Maraykanku sheegay inuu soo afjaray dagaalkii Al-Qaacidda laakiin taas badalkeeda wali way taagan tahay Khatartooda.

Sidoo kale hada wuxuu Maraykanka sheegay inuu soo afjaray dagaalkii Daacish, asaga oo usababaynaya dilka hogaamiyahooda, taasoo umuuqata hadal aan laga fiirsan, maadama Daacis uu tahay urur caalami ah, lehna ilo dhaqaale oo wali ay kusii shaqayn karaan.

Ujeedada Qormadayda

Marka lagareebo sheegashada USA, majirto ilo kale oo xaqiijinaya dilkii Usama Binlaadin, maadama aysan sooban dhigin wax cadayn ah oo muujinaya Sheegashadooda,

Dilka hogaamiyaha Daacish majirto cadayn ama ilo lagu kalsonaan karo oo Xaqiijiyay, marka laga sootago hadalka Donald Trump.

Maxay iskaga midyihiin sheegashada dilka Binlaadin iyo Baqdaadi.

  1. Labadooda waxaa lafuliyay waqti iskumid ah iyadoo la adeegsaday farsamo is shabahda (Same Tactics).
  2. Waxaa laqariyay cadaymaha jirkooda iyo waliba xataa sawiradooda.
  3. Waxay sheegeen inay Binlaadin ku aaseen Badda, sidookale waxay Al-Baqdaadi sheegeen inay ku aaseen isla badda.
  4. Waxay Maraykanku sheegeen inay ciidamada Bakistaan kagacan siiyeen dilka Binlaadin, Dowladda Bakistaana way beenisay.
  5. Waxay sidoo kale sheegeen in Al-Baqdaadi ay ciidamada Ruushka ka gacan siiyeen dilkiisa, Dowladda Rush waybeenisay.

 

Hadaba,  waxaa tuhun xoogleh ku dhaliyay dadka bartay amniga, sababta keentay inay is shabahaan Howlgalo 8 Sano udhaxaysay, kuwaas oo isku si loofuliyay?

Ma runbaa hadalkii sirdoonkii Maraykanka ahaa ee ugoostay Ruush-ka xogta uu baahiyay ee sheegaysay in uu noolyahay  Usaama Binlaadin?  Sidoo kalana Baqdaadi uu ku biiray nolosha qarsoodida ah ee saaxiibkiis oga horeeyay?

Dhamaan su’aalahaasi waxay sugayaan jawaab mana muuqato ifafaale Maraykanku uga jawaabayo, ilaa waqtigu daaha ka qaado xaqiiqda.

((“Falanqaynta amniga waa fiyoobida muwaadinka”))

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here