Degmadda Godinlabe waa degmadda ay dad badan ay Ku nool yihiin, waxaana ka dhisan xarumaha maamulka, iyo taliska laamaha Amniga, balse ma jiraan hab maamul ah oo ka socda deegaankaasi.

Maamulka degmadda iyo saraakiisha ciidanka ayaan ka howlgalin degmaddaasi, hayeeshee waxaa ay shaqeeyaan oo keliya markii ay degmadda imaanayaan hay’ado caalami ah oo gar gaar u wada degmaddaasi.

Waxaa gabaabsiga noqda kaabayaasha nolosha oo dhan, iyadoo dhulka daaqsinka abaarsado iyo biyuhuna yaraadaan, waxaana xaaladaasi marka ay dhacaan xoolaha lala raadiyaa meel baad iyo biyo leh,iyadoo meelo badan looga soo hayaamo si calaf iyo biyo xoolaha loogu helo, halkaas waxaa sida badan ka dhaca dagaalo lagu diririyo kheyraadka oo yar iyo baahida oo badan.

Dadka degmadda ayaa walaac xoog leh ka muujinaya nolasha dhabta ee ka jirta deegaankaasi.

Degmadda Godinlabe waxaa ay haatan u baahan tahay maamul ka shaqeeya horumarka ay u baahan dadka deegaankaasi Ku nool sida ay qabaan dadka ka faaloolada arimaha maamulka iyo siyaasada.

Guddoomiyaha degmadda ayaa la sheegay inuu isdaba Marin Ku sameeyo gar gaarka iyo canshuuraha laga qaado dadka degmadda Godinlabe.

Maamulka Galmudug ayaa xiligan is badel maamul ka sameynin deegaanka, maadaama degmadda Godinlabe ka soconin shaqada maamulka deegaanka.

Degamadda Godinlabe ayaa haatan waxaa jirta barwaaqo dhanka nolasha ah oo ay Ku noolaanayaan dadka shacabka ah

Hadaba xaalada maamul xumo ee degmadda Godinlabe sidan miyay ahaan doontaa mise, isbadel maamul ayaa ka dhici doono?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here