Guddoomiyaha Guddiga Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Galmudug ahan Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Kulanka u dhexeeyay Yuusuf Garaad iyo Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu ahaa mid is xog-wareysi ah, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan Galmudug.

Yuusuf Garaad Cumar oo War qoraal ah soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in Axmed ducaale Geelle Xaaf uu kala hadlay  dhacdooyinkii hore, kuwo hadda taagan, Mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka.

Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka” ayaa yiri Yuusuf Garaad.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Yuusuf Garaad uu Xaaf ka dalbaday inuu ka tanaasulo Siyaasadda Galmudug, isla markaana uu qeyb ka noqdo Madaxda ka qeyb galeysa Xaflada Caleemo-saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa siweyn uga soo horjeeday Doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoona Doorashadaas ay gacanta ku heysay dowladda Federaalka uu Xaaf kala dhexeeyo Khilaaf Siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here