Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad kooban
oo Talaadadii shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka
Mudug.

Iska hor-imaadka ayaa sida la sheegay  bilowday kadib markii malayshiya-beeleed
hubaysan ay jidka u galeen gaari lagu siday maxbuus dil ku xukman oo xabsiga ku
xanuunsaday kaasi oo loo waday isbitaal si loo soo daweeyo.

Malayshiyaadka ayaa dhaawac culus gaarsiiyay taliye ku xigeenka
xabsiga Gaalkcayo iyo hal askari ah oo ka tirsanaa ilaalada xabsiga waxaana ay
xoog ku ka xaysteen maxbuuska oo ay ehelo ahaayeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maxbuuska uu dhaawac ka
soo gaaray rasaastii halkaas ka dhacday sidoo kalena uu jiro qof shacab ah oo
xabbad wiifto ah ugu tagtay gurigiisa islamarkaana ku dhaawacmay.

Maxbuuska xoogga lagu furtay ayaa horay maxkamadi dil
toogasho  ugu xukuntay kadib markii lagu
eedeeyay in uu ku lug-lahaa dil ka dhacay Gaalkacyo.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii u dambeeyay sii xumaanayay waxaana halkaasi ka dhacay dilal kala duwan iyo bambaanooyin kuwa gacanta laga tuuro ah oo khasaare gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here