Kulanka ayaa waxaa soo agaasimay Midowga dhalinyarada BYL iyo ganacsatada reer Baxdo ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu casuumay kulanka dhaqaatiirta Deegaanka ee ku sugan Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale.

Muhiimadda kulanka ayaa aheed sidii looga shaqeysiin lahaa isbitaalka degmada Baxdo isla markaana loogu dhameystiri lahaa adeegyada ka dhiman sida dhaqaatiirtii ka howl gali laheed iyo qalabka isbitaalka.

Dhaqaatiirta kulanka lagu casuumay ayaa ballan qaaday in ay ka qayb qaadan doonaan ka shaqeysiinta isbitaalka iyo sidii loogu heli lahaa qalab, dhaqaatiir iyo shaqaale Professional ah, waxayna Dhaqaatiirtu soo jeediyeen talooyin ku saabsan hirgalinta nidaam hufan oo isbitaalka looga dhigayo mid casri ah si uu u daboolo baahiyada ka jira dhamaan deegaanada Galmudug.

Waxaa socda dadaaladii ugu danbeeyay ee loogu diyaar garoobayo furitaanka isbitaalka guud ee degmada Baxdo oo dhismihiisu soo gaban gaboobay bilo ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here