Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo booqday deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay oo shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa ka warbixiyey xaaladda deegaankaasi.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in xaaladdu ay dagan tahay, islamarkaana ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu guullo ka sheegtay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Deynuunay, kadib weerar culus oo ay ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Sheekh Cabdullaah ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ay ka war hayeen xogta weerarkaasi, islamarkaana ay ka hortageen, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa intaasi ku sii daray in halkaasi ay ku dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay laba jibaari doonaan dhaq dhaqaaqyada milatari ee Al-Shabaab looga saarayo gobollada Baay & Bakool ee K/ Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here