Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa waxa ay Mooshin ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Mooshinkaan ayaa waxaa saxiixay 66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi, waxaana Guddoomiyaha lagu soo eedeeyay ku xadgudubka Dastuurka Hirshabelle & inuu hor taagnaa qabsoomida fadhiyada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ka dalbaday inuu keeno Xisaab xirka lacag dhan toban kun oo doolar oo bil waliba uu ka qaadan jiray Guddoonka Golaha Shacabka somaliya, taasi oo ay sheegeen inaysan soo gaarin Baarlamaanka Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here