Guddoomiyaha Baarlamaanka dolwad goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu waan waan ka dhex-waday khilaafka soo kala dhex-alay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash.

Khilaafka labada mas’uul ayaa oo ifbaxay,kadib markii Madaxweyne Deni uu xilkii ka qaaday taliye kuxigeenka Ciidanada Madaxtooyada,waxaana Warar soo baxaya ay sheegayaan in wada-hadalladaas ay fashil ku dhamaadeen,isla markaan wax natiijo ah kasoo bixin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada mas’uul uu midba midka kale ku adkeysanayo mowqifkiisa,hayeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka uu isku dayay in uu xaliyo welina aan wax al ah la gaarin sida ay sheegeen mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Puntland.

Madaxweyne kuxgeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa sheegay in sharci darro ay tahay xilka qaadista lagu sameeyay Taliye kuxigeenka Ciidanka Madaxtoyada Puntland halka Madaxweynaha Puntland uu dhankiisa ku adkeysanayo in uu xilkii ka qaaday.

Deegaannada Puntland iyo Warbahainta ayaa laga dareemay khilaafka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa,waxaana khilaafkooda uu yahay markii labaad oo uu dhaco walow sitoos ah uusan weli u soo ifbixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here