Dowladda Qatar ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaiyeed uga tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo laguna dilay guddoomiyhii Gobolka Mudug.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxaas,waxaana lagu sheegay in dowladda qatar ay ad uga xun tahay sidoo kalena ay kasoo horkeedo fal kasta oo abuuri kara colaad iyo mid argagaxiso.

Wakaalladda Wararka Qatar ee Qatar News Agency “QNA” oo baahisay warkaan ayaa sheegtay in ay uga tacsiyadeynayaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda falkaas,isla markaana ay garab taagan yihiin.

Weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Puntland Axmed Muuse Nuur iyo Saddex kamid ah ilaaladiisa oo uu kamid ahaa walaalkiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here