Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Janeral Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta booqdey furimaha hore ee Ciidamada Xoogga ay Ku leeyihiin Bariga Gobolka Galgaduud iyo Fariisimaha Cusub ee Abaabulka iyo Qorsheynta Howlgallada .

Goobaha taliyuhu booqdey oo jahooyin kala duwan kaga yaala Gobolka Galgaduud ayaa saldhig u ah Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ka howlgalla deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyaha waxaa uu  Kormeeray Fadhiyada Ciidanka iyo howlaha socda isagoo saraakiisha Taliska 21-aad ka dhageestay Qorsheynta Howlaha socda iyo Duruufaha Ku xeeran Ciidamada si Taliska Guud ee Xoogga Dalka uu kaga jawaabo culees kasta oo jira.

Dowlada Faderaalka ayaa wada qorsheynta howlgalada Xoreynta Deegaanada Al-Shabaab ka joogo Galmudug iyadoo cutubyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya la geeyay deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here