Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamanka Galmudu ayaa sheegay in calaamadaha cudurka Coronavirus ay ku jiraan magaalada oo sacadba saacada ka danbaysa ay sii kordhaya.

Waxay kaloo sheegeen inay magaalada ku dhinteen dad badan,kuwaasi oo lagu arkay calaamadaha Covid-19 inkastoo shaybaar ahaan aan loo xaqiijin inay cudurkaasui u dhinteen.

Waxaase usii dheer inuu jiro dayac dhanka la tacaalida bukaanada ah iyadoo ay keentay Oxygen La,aan (ventelation Machine) in dadku u dhintaan si xowliya sacadii la soo dhaafay waxaa isbitaalka cadaado ku geeriyooday ugu yaraan dad gaaraya 6 ruux.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayay sheegay inay u qeylo dhaamiyeen markii ay badatay dhimashada Magaalada Cadaado markaana aan la soo gaarsiin qalab looga hortago COVID19.