Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Koonfur Galbeed ayaa soo saartay digniin ku socota Kalluumaysatada ku nool deegaanada maamulkaas, iyada oo looga digay waxyeelo kasoo gaarta dabaylo laga cabsi qabo inay dhacaan deegaanadaasi.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo gudanaysa saajibaadkeeda ay uga digayso Kalluumaysatada dabaylaha uu wato roobka xagaaga ee ka da’aya dalka, kaas oo saamayn ku yeeshay Badda gar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in roobka dabaylaha wata ee ka da’aya dalka ay sababtay in badda deegaanada koonfur Galbeed ay ku geeriyoodaan 6 qof sidoo kalena lagu waayo 13 doomood oo Kalluumaysi.

Wasaaradda Kalluumaysiga oo ka taxadareysa badqabka Kalluumaysatada naaquudayaasha iyo hantidoodabada ay muhiim u tahay waxaay ku war gelineysaa inay ka joogsadaan gelista Badda inta Cimilada Badda ay wax iska bedelayaan oo Culimada saadaasha ay noogu sheegeen in ilaa Bisha Octoober ay dabeylaha socon doonaan ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Koonfur Galbeed ayaa u digtay doomaha yar yar ee ganacsiga ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo dhalinyarada aada xeebaha in ay badda galaan.

Amaraan kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan doon ku rogmatay xeebta magaalada Marka isla markaasna dad ay ku dhinteen halka kuwo kalena lagu la’ yahay.