Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid oo howlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya  Xassan Bin Xamsa.

Kulankan ayaa looga hadlay arimo badan oo kamid tahay sidii dowlada Qadar u fulin laheyd mashaariic kala duwan oo horey u balan qaaday in ay ka fulin doonto deegaanada maamulka Galmudug .

Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya ee Xassan Bin Xamsa ayaa balan qaaday in ay fulin doonaan mashaariicdii horey ugu balan qaadeen Galmuug sidoo kale maamulka ay taageero badan u fidin doonaan, isagoona amaanay horumarka hada ka socda Galmudug.

Cali Ciid Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa uga mahad celiyaysafiirka taageerada Qadar ay siineyso maamulkiisa, waxa uuna ka codsaday in ay ka taageerto dhinacayada hurumarrinta iyo sidoo kale dib u dhiska ciidamada Galmudug.

Dowlada Qadar oo saameyn badan xiligan ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday in ay deegaanada Galmudug ka fulin doonto mashaariic kala duwan ay kamid tahay dhismaha Dekadda Weyn ee Hobyo.