Turkiga ayaa sheegay inuu ku taageeri doono Azerbaijan wax walboo daruuri ah iyadoo uu dagaalku Isniintii galay maalintii labaad kaasoo udhaxeysa Azerbaijan iyo Armenia oo isku heysta lahaanshaha deegaanka Nagorno-Karabakh.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa si deg deg ah uga hadlay taageeradiisa Azerbaijan, isaga oo ku tilmaamay Armenia inay tahay halista ugu weyn ee nabadda gobolka. Hogaamiyaha Turkiga ayaa ugu baaqay dunida in ay Azerbijan ku garab istaagaan dagaalka ay kaga soo horjeedaan duullaanka iyo naxariis darrada Armenia.”

Ciidamada Azerbaijan iyo kuwa Armenia ayaa la sheegayaa in madaafiic culus ay Axaddii ay is weydaasadeen iyaga oo midiba kan kale ku eedeynayo in uu billaabay dagaalka.

Goobjoogayaashu waxay ugu yeereen dagaalkii ugu dambeeyay ee Nargono Karabakh, mid ka jira gudaha Azerbaijan laakiin ay maamulaan qowmiyadaha Armenia, waana kii ugu xumaa tan iyo 1990-meeyadii.

Warbixinnada goobjoogayaasha ayaa sheegaya in tirada dadka dhintay oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ka badan tahay 20 qof iyo ugu yaraan 100 dhaawac ah.