Wasaaradda Ciyaaraha Puntland Oo Hormarinaysa Garsoorayaasha Kubabdda Cagta.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo agaasimaha guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kulan la qaatay Macalimiinta tababaraayaasha iyo Garsoorayaasha kubbadda cagta Puntland.
 
Kulan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kuubada Cagta Soomaaliyaa Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed iyo Madaxda xiriirka Kubbadda Cagta Puntland, Macalimiin iyo Garsoorayaal.