Ciidanka Itoobiya ayaa hadda la xaqiijiyey in ay 5 aag kaga wajahan yihiin magaalada Makele ee xarunta Ismaamulka Tigree-ga, waana bilow maalmo adag oo dagaal.
 
Milateriga Itoobiya ayaa laga soo xigtay in uu xalay bilowday qeybta 2aad ee howlgalka soo celinta Midnimada Itoobiya, waxaana ay kuwajahan yihiin ciidamadu sida la sheegay deegaanada Adigrat, AbiyAdi, Ambalage, Gijet dhammaan waa saldhigyo adag oo aysan TPLF waxba uga dambeyn haddii laga qabsado.