Wararka ka imaanaya caasimadda dalka Eritrea ee Asmara ayaa sheegaya in qaraxyo ka dhaceen magaalada saacado uun kadib markii sarkaal ka soo jeeda gobalka Tigreyga ee dalka Itoobiya uu ku hanjabay in ay weerari doonaan.

Qaraxyadaan ayaa imaanaya 10-maalmood kadib markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada dawladda federaalka Itoobiya iyo ciidamada daacada u ah xisbiga xukuma gobolka Tigray ee TPLF.

Mas’uuliyiinta gobalka Tigreyga ayaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ku eedeyay inuu la saftay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.