Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka soomaaliya ayaa xaqiijiyey in teliska Nabad sugida isku hayo musharaxa madaxweyne ee lasoo saarayo doorashada 2021 dalka kadhici doonta.

Taliyaha Nisa fahad yaasiin Xaaji ayaa lasheegey in uu doonayo in lasoo saaro musharax  Xasan ali khayre oo uu u arko in uu yahay musharaxa ugu dhow ee lasoo saari karo.

Taliyaha Nisa ayaa lagu soo waramayaa in uu amar ku siiyay dhigiisa u qabilsan Qadar iyo mareykanka Cabdullahi daahir Cabdalla ahna Teliya Hogaanka Dabagalka  in uu dhiso musharax  Xasan ali khayre.

Cabdullahi Daahir Cabdalla oo lagu tiriyo Milkiilaha sadexaad ee Dowlada Nabad iyo Nolol  ayaa lasheegey in uu ku gacan seerey dalabka Teliyaha NISA ee ahaa in la dhiso Khayre.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka oo laheyb ah madaxweyne Farmaajo ayaa lasheegey in uu gaashaanka u daruurey in ladhiso musharax madaxweyne aan eheen Farmaajo wuxuuna ku hanjabey in uu soo bandhigi doono siro badan oo uu kahay musharax Kheyre.

Teliyaha NISA ayaa dadaal ugu jira in uu ku qanciyo Teliyaha Hogaanka Dabagalka in uu ladhiso Xasan Cali Kheyre walow aan la ogeyn in uu ku qanci doono iyo in kale.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka ayaa awood ahaan kadhicin Fahad yaasiin waxaana lafaahamsanyahay in la’aantiisa fahad ay ku adkaan doonto in uu talaabo qaado.

Fahad Yaasiin ayaa tobaadkii lasoo dhaafey u direy dalka turkiga wufuud ay  ay kala hogaaminayaan MD laftagareen iyo Madaxweyne Qoor qoor kuwaas oo lasheegey in shirar qarsoodi ah lagaleen Xasan Cali Kheyre.

lama oga halka uu ku dhamaan doono khilaafka soo dhex galey hogaanka sare ee NISA waxaana Hay’ada lagu eedeynayey maalmahan danbe in ay faraha kula jirtey arimaha siyaasada iyo doorashooyinka dalka ayadoo ka gaabisey shaqadii loo igmadey.