Dalladda Haweenka qaadka u soo dhoofiya Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay inay dhibaata noolaleed la soo deristay kaddib markii ay dowladda Soomaaliyajoojisay jaadkii ay Kenya kasoo dhoofin jireen.
 
Haweenkan ayaa sheegay in ganacsiga jaadka ay ku tiirsanaayeen kumannaan, haatanna aysan heysanin wax ay ku dabaraan noolal maalmeedkooda.
 
Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo in uu gebi ahaan jaadka Soomaaliya la geeyo joojiyo ama uu u fasaxo si ay noloshooda ugu maareeyaan.