Hubka nuucyadiisa kala duwan ee lagu iibiyo suuqyada Madow ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sare u kacay, kadib markii qaar kamid ah beelaha dega Muqdisho bilaabeen hub aruursi.
 
Warbaahinta hornobserver ayaa warbixin ka qortay sara kaca u yimid hubka nuucyadiisa kala duwan gaar ahaan hubka fudud ee sida weyn xiligan loogu kala iibsanayo suuqyada loo yaqaan cirtoogtaha ee kuyaala Muqdisho.
 
Qiimaha qorayga AK-47 ayaa hada gaaray $1,400 halka markii hore lagu kala iibsan jiray qoraygaasi lacag dhan $700, waxaa sidoo kale qoriga loo yaqaan PKM hada lagu iibinayaa $15,000, sidoo kale Bastoolada nuuca Belgium ayuu qiimaheedu gaaray 2,000 oo dollar.