Qoraalka uu soo baxay Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya dalka intiisa kale oo uu kajiro Maamul goboleed lagana jawaabayo walaaca & kalsooni darrada ay ka qabaan musharixiinta kuraasta Baarlamaanka & musharixiinta Madaxweynaha ee doorashada 2021 lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad Goboleedyada lagana tashtay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uu soo saaray hanaanka maamul iyo habraaca doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku shaaciyay shuruudaha lagu soo xulayo guddiyada doo.rashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Asteynta kuraasta xildhibaannada kasoo jeeda gobolada Waqooyi, habraaca xulista Ergooyinka dooranaya Golaha Shacabka & Aqalka Sare, dhismaha maamulka sare ee degaan doorashada, korjogteynta doorashada iyo amniga Goobta doorashada iyo shuruudaha looga baahanyahay qof is sharaxaya.