Maalintii labaad ayuu galay shirka wada tashiga ee looga hadlayo xaaladda kala guurka ah iyo maareeynta arrimaha doorashooyinka ee ay ka qeyb gelayaan in ka badan toban musharax oo u diyaar ah in ay Madaxweyne Farmaajo ka bedelaan xilka uu soo hayay laga soo billaabo Feberaayo 2017.
 
Ujeedka wada tashigaan ayaa salka ku haya sidii meesha looga saari lahaa damaca Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo abaabulay guddiyo Dowladda ay u xil saartay ka shaqeynta arrimaha doorashada dalka, kuwaas oo ka kooban nabad sugid, taageereyaasha Madaxweynaha iyo shaqaalaha Dowladda qaarkood oo qorsheynaya mar kale in talada dalka ay ku soo celiyaan Farmaajo iyo saaxiibadiis.
 
Ka qeyb galka shirkaasi ee maalinka labaad kuma koobna musharaxiinta oo kaliya, Balse waxaa lagu casuumay oo qeyb ugu biiraya bulshada qeybaheeda kala duwan sida; Culumada, Ganacsatada, Ururada Bulshada rayidka ah, iyo Odayaasha dhaqanka.