Maamulka Somaliland ayaa goordhow ku dhawaaqay in gabi ahaanba albaabada loo laabay kaniisad dhawaan laga furay magaaladda Hargeysa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo shir ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in kaniisadaas la xiray kadib markii culimadda ay go’aankaas ku dhawaaqeen xalay.

“Waxaan xirnay kaniisadda, maadaama ay culimadda go’aankaas gaareen waana qasab inaan raacno waxa ay diinteena ka qabto”ayuu yiri Wasiirka.

Somaliland ayaa xili hore ogolaatay in 30 sano kadib dib loo furo kaniisadii magaaladda Hargeysa, laakiin shir ay xalay qabteen culimadda waa weyn ayay ku sheegeen in kaniisadaas ay tahay mid dambi ah ayna qasab tahay in la xiro oo la bur buriyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here