Kadib kulan dhexmaray Masuuliyiinta Wasaarada amniga Maamulka Galmudug iyo Wasaarada Arrimaha diinta iyo Awqaafta ee Maamulkaas ayaa waxaa la amray in lasoo xiro Mid kamid ah Culumada Gobolka Mudug,
Shiikhan oo lagu magacaabo Shiikh Cabdi Wali Afyare Cali ayaa lagu heestaa Muuqaalo lagu faafiyay Baraha bulshada oo aad looga naxay,

Muuqaalka ayaa muujinaya Sawirka qof lagu sheegay Xabiibkeena Muxamed NNKH kaasi oo dad badan oo Soomaliyed ka caresiyay,

Maanta ayaa la filayay in Culumada Gobolka mudug qaarkood ay isku yimaadeen isla markana ka hadlaan arinta taagan,balse waxaa soo baxay amarka Masuuliyiinta amamul Goboleedka Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug Mahad Xassan Maxamed ayaa amar ku siiyay Ciidamada Maamulkaas in ay Gacanta ku soo dhigaan Sheekhaasi.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada dalka ka jira in uusan ku dhuuman deeganadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here