Waxaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn u xumaaday xiriirka ka dhaxeeyo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo uu hoggaamiye Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

haddaba Shabakadda Baxdo ayaa heshay xog ku saabsan shakhsiga u fududeeyey Xaaf inuu tago dalka Imaaraadka Carabta.

Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa horey looga mamnuucay inuu galo dalka Imaaraadka Carabta kadib markii la sheegay inuu dambiyo ka galay dalkaas, waxaana arrintaas fududeeyey Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhex dhexaadiyey dalka Imaaraadka iyo Xaaf.

Dowladda Imaaraadka ayaa Shariif Xasan ka codsatay inuu Axmed Ducaale Gelle Xaaf ka dhaadhacsiiyo inuu xiriirka u jaro dowladda Qatar isla markaasna uu ka hor imaado go’aanka ay dowladad dhexe ka qaadatay  Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Sidaas ayuuna wadahadalka ku bilowday, waxaana xusid mudan inuu Shariif Xasan ku guuleystay in liiska Madow kaga saaro Xaaf isla markaasna laga dhaadhacsiiyo inuu Imaaraadka taageero taas badalkeedana la siiyo lacag 10 Malyan oo Dollar sida aan xogta ku helnay mar aan wareysanaya illo wareedyo goob joog u ahaa arrintaas.

Arrinta fududeysay inuu Xaaf go’aankaan qaato isla markaasna uu aqbalo dhex dhexaadinta Shariif Xasan ayaa lagu sheegay inay tahay markii uu Xaaf dowladda dhexe ka waayey lacagta lagu kabo miisaaniyadda Galmudug oo 150 Kun oo Dollar oo la siiyey maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Xaaf ayaa  kulamo la qaatay Kheyre iyo Farmaajo wuxuuna dhawr jeer ka waayey ballanqaadyadii ay u sameeyeen oo ah inay bixiyaan lacagta dowladda dhexe looga baahan yahay inay ku kabto Miisaaniyadad Galmudug, wuxuuna ku dooday inuusan heyn lacag uu dadkiisa wax ugu qabto maadaama dowladda dhexe ay diiday lacagtaas sida uu isaga qabo.

Shariif Xasan ayaana ku guuleystay qorshihii ahaa inay helaan maamul kale oo jidkooda soo raaco, maadaama Puntland iyo Koonfur Galbeed ay si wadajir ah Imaaraadka ula shaqeenayaan.

Imaaraadka Carabta ayaa Shariif iyo Gaas u adeegsanaya sidii la isaga hor keeni lahaa Maamulada ka jiro Soomaaliya iyo dowladda dhexe, maadaama Imaaraadka ay ka xumaatay go’aankii ay dowladda dhexe ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here