Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo wafdi uu hoggaaminaya oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee Dalka Itobiya ,ayadoo  halkaasi ay  ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dawladda Itoobiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Amb. Maxamed Cali Nuur.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ka qayb gali doona munaasabada xuska 12aad ee 29-ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada Samara, waxuuna halkaas ka jeedin doonaa khudbad.