Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya xaduudaha ay isku horfadhiyaan ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in ay sii kordhayso cabsida laga qabo dagaalka kaqarxa goobahaas.

Dhanka kale Wararka ayaa sheegay in rasaas culus laga maqlaay deegaan udhaw magaalada Boocame oo ay Somaliland u dirtay maleeshiyadeed.

Iyadoo Goobjoogayaal kusugan magaaloyinka Boocame iyo Tukaraq ay Warbaahinta u sheegeen in goobaha ay isku horfadhiyaan labadan ciidan ay masaafo Yar isku jiran xili kastana La filan karro dagaal.

Dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen dawladdaha deriska gaar ahaana Dawladda Ethiopia ayaan ilaa hadda waxba kahirgalin,kuwaas oo Ku saleysnaa in Somaliland ay ka baxdo deegaanada cusub ee ay soon gashay.

Xiisada dagaal ee hadda taagan ayaa joojisey isku socodka shacabka labada dhinac oo kudhiiran waayay in ay wadadan maraan,bacdamaa xili kasta dagaal ka bilaaban karro.

Goor sii horeysayna Puntland ayaa joojisay isku socodka gaadiidka gobalada Somaliland u gudbaya,taas oo ka dhalatay xiisadan cusub.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here