Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Arbaco ah ku wajahan magaalada Qordho oo ka tirsan Puntland.

Wariyeyaasha degaanada Puntland ayaa soo sheegaya safarka Madaxweynaha inuu yahay mid dhulka ah, oo qaadanaya laba saacadood, waxaana wafdiga Mdaxweynaha qeyb ka ah Madaxda sare ee Puntland iyo qaar ka tirsan xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Qardho ayaa lagu xardhay Calanka buluuga ah ee Soomaaliya iyo kan Puntland, waxaana wadooyinka isugu soo baxay dadweyne fara badan oo u heelan soo dhaweyna Madaxweynaha.

Taliyaha Booliska Magaalada Qardho ayaa sheegay inay adkeeyeen oo ay xoojiyeen amniga guud ee Magaalada, wadooyinka qaarkoodna ay ciidamo soo dhigeen.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa uu yahay mid ku qotomo nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa magaalada Qardho kula kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu ugu dhiirageliyo in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here