Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlayay sanad guuradii ka soo wareegatay markii loo doortay xilkaan Madaxweynenimo ayaa sheegay in dhalinyarada Al-shabaab ay wali u heystaan fursad ah inay isa soo dhiibaan.

Madaxweyne (Farmaajo) ayaa markale ku celiyay in dhalinyarada ka bar-bar dhagaalanta Shabaab ay ka mid noqon karaan dowladda, ayna cafis u fidinayaan.

Waxa uu xusay in ay diyaar u tahay Dowladdu soo dhaweynta Al-shabaab xubnaha ka tirsan haddii ay isa soo dhiibayaan, isagoona sheegay inay sii wadi doonaan wada hadalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa u ballan qaaday dagaalyahanada Al-shabaab ka tirsan inay heli doonaan hoy iyo nabad haddii ay isa soo dhiibaan.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada Al-Shabaab ku jirta waxaana fursada dowladda ka faa’ideystay dhalinyarao badan iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here